DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah oo lala beegsaday xero ay degan yihiin ciidanka XDS

Qarax ismiidaamin ah ayaa la soo sheegayaa in goor dhow lala beegsaday xero ay degan yihiin ciidanka xoogga dalka oo ku taalla duleedka magaalada Baydhabo

Warbaahinta DF aya sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka ay fashiliyeen gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo lala dooneyey in gudaha loo geliyo xerada ciidanka xoogga  ku leeyihiin degaanka Kala-beyr ee gobolka Hiiraan.

3 askari ayaa ku dhintay qaraxaas, sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay saddex kale sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

Laba xidigle Takar Subagle oo ahaa taliyaha horinta sadexaad, ururka 1-aad ee GORGOR sidoo kalana soo noqday taliyihii Amniga doorshooyinkii Baladweyne ka dhacday. ayaa la xaqiijiyay inuu kamid yahay sadaxDA Askari oo ku dhimatay qaraxan.

Sidoo kale ciidamada dowlada ayaa la sheegay iney ku raad joogaan labo nin oo la sheegay in gudaha magaalada kaga degeen gaariga qaraxa ismiidaaminta ah lagu fuliyey.

Gudoomiyaha degmada Jawiil oo ku taalla nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in gaariga uu ku qarxay iridda hore ee xerada.

Ciidamadan maanta qaraxa lagu weeraray ayaa ujeedada loo geeyay degaankaas waxay tahay in ay qeyb ka qaataan gulufka lagu doonayo in Al-Shabaab lagaga saaro degaano xuduudda u dhow oo bilahii ugu dambeyay in dhaqdhaqaaqyo ka wadeen.

Ma jiraan warar madax banaan iyo faahfaahin intaas ka badan oo laga helayo qaraxan ismiidaaminta ah ee lagu weeraray xerada ciidanka XDS ee degaanka Kala beyr, wixii ka soo kordhana wararkeena ayaan idinkugu soo gudbinaynaa insha Allah

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -